Somali News

Saa’ib Cariiqaat – Madaxii Falastiin ee wadahadallada Israa’iil oo geeriyooday

Qudus-KNN-Saa’ib Cariiqaat oo kamid ahaa siyaasiyiinta ugu caansan Falastiiniyiinta ayaa maanta u geeriyooday cudurka Covid-19, sida ay sheegeen saraakiisha reer Falastiin.

Saa’ib oo 65-sano jir ahaa ayaa loola cararay cisbitaal ku yaalla magaalada Qudus, halkaas oo uu ku geeriyooday maanta.

Marxuumka ayaa seddaxdii toddobaad ee u dambeysay ku xanuunsanaa gurigiisa oo ku yaalla deegaanka Jericho ee Daanta Galbeed.

Saa’ib Cariiqaat wuxuu ahaa madaxii wada-xaajoodka Falasatiin u qaabilsanaa wada-hadalladii dhex-mari jiray Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Muddo ka badan 25-sanadood ayuu Saa’ib Falastiin ku metelayey wada-hadallada aan guuleysay ee ay kula jirto maamulka Yahuuda ee Israa’iil.

Waxuu sidoo kale ahaa xoghayihii guud ee ururka xoreynta Falastiin, waxuuna kamid ahaa xubnaha ugu firfircoon garabka awoodda leh ee Fatax oo dagaallo adag la galay ciidamada Yahuudda.