Somali News

Safiirka Soomaaliya ee Suudaan oo la kulmay Madaxa Golaha Militariga dalkaas

 Muqdisho-KNN-Madaxa Golaha Ciidamada ku meel gaarka ah ee   dalka Suudaan ayaa shalay oo Talaado ah  xafiiskiisa kula kulmay Safiirka Soomaaliya  oo muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

War-saxaafadeed uu soo saaray Safiirka Soomaaliya ee Suudaan Cabdirisaaq Axmed Sheikh Maxamuud ayuu kaga hadlay qoto dheerida  xiriirka Soomaaliya iyo Suudaan, wuxuuna uga mahad celinayo shacabka iyo dowladda Suudaan, garab istaaggii iyo taageeradii  walaaltinimo ee ay u fidiyeen intii marxaladaha burburka ah ay ku jirtay Soomaaliya, isagoo sheegay in Soomaaliya ay garab istaagi doonto Suudaan oo haatan marxalado siyaasadeed wajaheysa.

Danjire Cabdirisaaq oo ay ka idlaatay mudo xileedkii Safiirnimo ee dalka Suudaan ayaa ugu dambeyn war-saxaafadeedkiisa ugu mahad celiyay madaxa golaha Militariga, xukuumadda iyo shacbiga Suudaan gacansiintoodii oo uu sheegay in uu ka helay intii uu ka shaqeynayey dalkaas.