Somali News

Sameynta Baasaboorka Soomaaliya oo wali hakad ku jirta

Muqdisho-KNN-Maalmihii la soo dhaafay waxaa taagnaa cabasho Shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay gabi ahaamba istaagay bixinta iyo Sameeynta baasaboorka Soomaaliga iyadoo la arkayo dad badan oo balama loo dhigay in la siin doono unasoo jarmaada aroor walba xarunta Hay’ada hadana aanan helin adeegii ay usoo muraadeen.

Dabayaaqadii bishii November Sanadkii tagay ee 2018 ayuu istaagay bixinta Baasaboorka Soomaaliya Dowladu xiligaa waxa ay ku sheegtay in Hay’adii Uqaabilsaneed Sameenta Baasaboorka oo laga lahaa Wadanka isutaga imaaraadka carabta uu Ka idlaaday Waqtigii lagu heshiiyay ama ay qandaraaska shirkadu ay ku qaadatay.

Wixiii xiligaasi ka dambeeyay waxaa bilowday cabashada Shacabka iyaga oo ka dhiidhinaya Helis La,aanta adeegii usahli lahaa Safaradii ay ubaahnaayeen mid caafimaad mid waxbarasho iyo mid shaqaba.

Agaasimaha Hay’ada Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya Maxamed Adan Jimcaale Koofi isaga oo ka jawaabaya Tabashada Dad waynaha ayaa War fidiyeenada umariyay 03- December 2018 Hadal uu ugu laab qaboojinayo isaga oo sheegay in Sababtu ay tahay balaarinta Xarumaha iyo Dib uhagaajinta Baasaboorka Waxa uuna maalinkaa Carabka ku adkeeyay in La furi doono 4- isla bishii December 2018. 

Hadalkiisa Ka dib waxaa Lagaaray balantii laga qaaday shacabka oo waxa ay buux dhaafiyeen Xarunta Hay’ada iyaga oona safaf dhaadheer ugalay Waqti Cad-ceeduna Aad uKulushahay Hadal San iyo weer ay ku qancaan Toona Kama aanay Helin Madaxda xarunta iyo ciidamada ilaalada ee jooga xarunta hay’adda.

Shabakadda wararka Kulmiye ayaa ukuur gashay waxa ay ku qotonto cabashada dad waynaha ee ku aadan helis la,aantooda baasaboorada qaar ka mid ah dadka baahida wayn uqaba baasaboorka ayaan kula kulanay xarunta hay,ada socdaalka iyo jinsiyadda soomaaliya ee Muqdisho.

Dadka qaar ayaa sheegay in maalmo lagu ballaminayay in ay doontaan baasasoorka, balse marka ay xarunta tagaan dib u laabanayeen, iyaga oo lagu wargelinayay in aan howsha bixinta Baasaboorka socon, dibne usoo laabtaan waqti kale.

Dhibta ay qabaan iyo cabashadoo ayay KNN udhex marinayaan madaxda dowladda si wax looga qabto.

Tagitaanka shacabka maalin kasta ee xarunta iyo wayntooda adeegi ay utageen ayaana jirin cid kala hadasha waxa ayna  ku taahmayaan shacbigu helistooda baasaboorka oo ah xaquuq muwaadinku ku leeyahay dowladiisa waxa ay ka dhowr sugayaan ayaana ah jwbaha su,aalaha ay qabaan oo ah halka ciladu ay ka jirto mudada ay hay’addu dib ubilaabi doonto bixinta baasaboorka si ay ugaaraan danahooda waxbarasho iyo caafimaad ee dalka sibadiisa ah.