Somali News

Saraakiil ka goosatay ciidanka DF Soomaaliya oo iska dhiibtay Hargeysa

Hargeysa-KNN-Magaalada Hargeysa ee xarunta xukuumadda Somaliland waxaa maanta lagu soo dhaweeyey afar sarkaal oo ka goosatay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ka tirsanaa ciidanka Danab ee dowladda Mareykanka ay u tababartay Soomaaliya.

Afarta sarkaal ee Hargeysa iska dhiibtay ayaa kala ah:

1 – L/X/le Jaabir Ismaaciil Cusmaan

2 – X/le Yuusuf Maxamed Jaamac

3 -X/le Maxamuud Axmed Cali

4 -D/le Maxamed Xasan Xaashi.

Saraakiishan dhalinyarada ah ee ka goosatay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyey taliska guud ee ciidanka Somaliland, iyadoo ay soo dhaweeyeen Abaanduulaha ciidamada Somaliland Cabdirisaq Afgaduud iyo saraakiil kale.

Xubnahaan waxay shacabka iyo xukuumadda Somaliland ka codsadeen in laga cafiyo tallaabadii ay uga mid noqdeen ciidamada Qaranka Soomaaliya.

“Waxaan nahay dhalinyaro la qalday oo mabda’a Soomaalinimo dalka dibadiisa ku tegay oo wax ku soo qaatay, balse maanta waxaan ku soo noqonay Jamhuuriyadeena Somaliland, ma qaldame waa Ilaahey, mudo ayaan ka soo shaqeeyey Soomaaliya, waxaana ku shaqeynayey in shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan aan si daacad ah ugu shaqeeyo, balse maanta umadda Somaliland waxaan ka codsanayaa cafis,” ayuu yiri Laba-xidigle Jaabir Ismaaciil Cusmaan.

Dhalinyaradaan oo dhamaantood ka goostay ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab, waxay ku celcelinayaan in la qalday markii ay ku biirayeen ciidamada loo tababar Soomaaliya, iyagoo ka codsanaya Somaliland in la cafiyo.

Si rasmi ah uma sheegayaan sababta ku kaliftay inay isaga baxaan ciidamada Qaranka Soomaaliya, markii laga reebo inay ku celcelinayaan in lagu qalday ‘midnimo aan jirin’.