Somali News

Sawirro:-Madaxweynaha Soomaaliland oo Hargeysa ku qaabilay wefti ka socday dalka Masar

Hargeysa-KNN-Wefti uu hoggaminayo wasiir ku xigeenka arimaha dibadda dalka Masar Xamdi Sanad Luza ayaa gaaray magaalada Hargeysa ee xarunta Xukuumadda Soomaaliland.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xaafiiskiisa ku qaabilay wafdigaas ka socday dalka Masar, Waxaana Kulanka Madaxweynaha ku wehliyey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Seylici. wasiirrada horumarinta caafimaadka, xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga iyo wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay adkaynta xidhiidhka labada dhenac ee Somaliland iyo dalka Masar, arimaha ganacsiga, dhoofinta xoolaha nool,  hormarinta Kalluumeysiga, waxbarashada iyo isdhexgalka shacbiyada Masar iyo Somaliland.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dowladda Masar uga mahadnaqay taageerada ay Somaliland ka siiso dhinacyada gargaarka iyo waxbarashada gaar ahaan tababarka  macalimiinta Somaaliland taasi uu sheegay in ay wax badan ka saamaxday sidii ardayda Soomaaliland ay wax u baran lahaayeen.

Dhinaca weftiga ka socday dalka Masar  waxaa wasiir ku xigeenka ku weheliyey, safiirka dalka Masar u fadhiya Soomaaliya  Amb. Maxamed Nasr iyo kaaliyaha wasiirka arrimaha geeska ee dalkaasi  Amb. Mohamed Karim Sharif. Waxayna la sheegay in weftigu deegaanada Soomaaliland kusii sugnaa doonaan maalmo kooban iyagoo booqan doona goobo kala duwan oo muhiima.