Somali News

Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka NISA ee ku sugan Mudug

Horjooge Ismaaciil Xasan Cali oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa xalay isku soo dhiibay ciidanka deegaanka Xinlabi ee Gobalka Mudug, kadib markii uu xiriir la soo sameeyay.

Ciidanka deegaanka ayaa soo dhawayn kadib waxay Horjooge Ismaaciil ku wareejiyeen Ciidanka Hay’ada Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, qeybtooda Galmudug, si loo marsiiyo habraaca loo diyaariyay xubnaha isa soo dhiiba ee ka soo hara fikirka gurracan ee Khawaarijta.

Waxaa isa soo taraya xubnaha horay ugu tirsanaa Khawaarijta ee isu soo dhiibaya Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka markii ay adakaysan waayeen weerarrada xooggan eek aga imanaya Ciidamada.