Somali News

Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay ciidamada dowladda

Ciidamada Xoogga ee ku sugan agga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa isku soo bandhigay sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada ayaa ninkaan magaciisa ku sheegay Hanad, waxaana uu muddo 7 sano ah ka tirsanaa dagaalameyaasha Al-shaabaab.

Ninkaan ayaa xiriir la soo sameeyey saraakiisha ciidanka, sidaasi ayay ugu suuro gashay in uu ka yimaado xubnaha Al-shabaab.