Somali News

SAWIRO:- Faah faahin Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay shan kalane way ku dhaawacmeen Qaraxii maanta ka dhacay kaalin shidaal oo ku taala meel u dhaw Xaruntii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalane ka soo horjeeda dhismaha Wasaaradda Batroolka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka amaanka ee maamulka Gobolka Banaadir ayaa warbaahinta u sheegay in Gaari Qarax ku rarnaa oo la dhigay meel u dhaw Kaalin Shidaal ay ku dhinteyn 2 qof oo shacab ah, shan kalane ay ku dhaawacmeen.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in lagu raad joogo qofkii gaariga halkaan soo dhigay, waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in dhawaan gacanta lagu soo dhigi doono dadkii gaariga halkaan soo dhigay.