Somali News

SAWIRO:-Kheyrre iyo Wafdi ka socda Q.M. oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Xasan Cali Khayre, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay madaxa waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabadda qaramada midoobay Haweeneyda lagu magacaabo Rosemary DiCarlo, iyo saraakiil kale oo la socday kuwaas oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Adkaynta xiriirka Q.M. iyo Soomaaliya, taageerada dawlanimada iyo nabadda Soomaaliya iyo waxyaabo kale ayey kawada hadleen Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafdiga Qaramada midoobay.

Ra’iisul wasaare Khayre iyo madaxa waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabadda qaramada midoobay ayaa ku heshiiyay in qaramamada midoobay ay dawladda kala shaqayso ka guul gaaridda hadafyada waawayn ee dowladda oo ay kamid yihiin kobcinta dhaqaalaha, cafinta daynta, ka shaqaynta siyaasadda loo dhanyahay, dagaalka dhanka ah musuq-maasuqa, dardar-gelinta amniga iyo sidii dadka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen waxbarasho iyo caafimaad.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ammaanay taageerada xooggan iyo dawrka muuqda ee qaramada midoobay ka qaadatay dib u soo kabadashada, xasilinta iyo kobaca dalka Soomaaliya.

Madaxa waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabadda qaramada midoobay iyo Ra’iisul wasaare Khayre ayaa isku raacay in dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay qaataan dawrka hoggaamineed iyo jaan goynta qaybaha muuhiimka ah ee dawladda laga caawinayo iyo in Qaramda Midoobay ay ku taageerto in lagu fuliyo xilliyada lagu tala galay in lagu dhaqan-geliyo.

Rosemary DiCarlo ayaa ammaantay ajandaha dib-u-qaabaynta dawladda, waxa ayna ballan qaaday in qaramada midoobay ay teegeero xooggan ku bixinayso dhaqan gelinta halbeegyada Tubaha siyaasadda loo dhanyahay, amniga iyo cadaaladda, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.