Somali News

SAWIRO:-Waxyaabaha maanka dooriya oo lagu qabtay Kismaayo

Kismaayo-KNN-Wararka ka imaanayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa soo sheegaya in maanta ay Ciidamada amaanka ay soo qabtayn waxyaabaha maanka dooriya oo looga ganacsanayay Kismaayo.

Xarunta Booliska Jubbaland ee Kismaayo ayaa Maanta lagu soo bandhigay Nin sidey 28 KG oo ah waxyaabaha maanka dooriya,kuwaasi oo la rabay sida Jubbaland ay sheegtay in gudaha loo soo geliyo Magaalada Kismaayo oo Xarun KMG u ah maamulka Jubbaland.