Somali News

Sawirro: Guddoonka Golaha Shacabka oo ku biiray shirka musharaxiinta uga socda Muqdisho

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa caawa ku biiray shirka Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha uga socda magaalada Muqdisho.

Shirkan oo galay maalintii saddexaad ayay musharaxiinta kulamo gaar gaar ah la yeelanayeen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool caasimadda.

Waxaa la filayaa shirka Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Guddoonka Golaha Shacabka ay kulankaan caawa diiradda ku saaraan xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrinta guddiyada doorashada oo muran iyo diidmo badan ay hareysay.

Mursal iyo Muudey ayaa ah mas’uuliyiin si weyn ugu dhow Madaxweyne Farmaajo, iyagoo door weyn ku lahaa ridistii Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre..

Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkooda yahay mid nabadeed oo lagu saxayo qaladaadka doorashooyinka ku jira iyo in dalka uusan dhabihii dimoqraadiyadda ka weecan.

Isniintii maanta ayaa lagu waday in la soo gabagabeeyo shirka, sida ugu qoran boorka, balse weli waa uu sii soconayaa, lamana sheegin goorta la soo gabagabeynayo.