Somali News

Sawirro: Madaxweynaha Puntland oo gaaray dalka Jabuuti

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey magaaladda Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Jabuuti ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti .

Safarka Madaxweyne Deni ee Jabuuti ayaa la sheegay in uu qaadan doono maalmo kooban, Isla markaasna uu kala hadli doono madaxda Jabuuti xoojinta iskaashiga Puntland iyo Jabuuti, sida dhinacyada amniga, ganacsiga iyo horumarka.