Somali News

Sawirro: Madaxweyne Deni oo maanta la kulmay wafdi ka socda Midowga Yurub

Garowe-KNN-Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Madaxtooyada Puntland ee Garowe ku qaabilay wafdi ka socda Midowga Europe oo uu hoggaaminayo Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez,.

Wafdigaas Ergayga Midowga Europe waxaa ku wehliyey Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya Staffan Tillander.

Kulanka oo ay Madaxweynaha kala qeyb-galeen wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, qorsheynta iyo warfaafinta maamulka Puntland, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan is mari waaga ka taagan doorashooyinka guud ee dalka.

Kulankan ayaa kusoo aaday xilli madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu ka baaqday shirka Muqdisho uga furmay madaxda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaasoo sidoo kale uu ka maqan yahay madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe.

Qoraal maanta ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa mar kale looga dalbaday madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland inay ku soo biiraan shirka Muqdisho uu gogoshiisa dhigay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.