Somali News

SAWIRRO:- Madaxweyne Waare oo maanta furay Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle.

Jowhar-KNN-Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo ku xigeenkiisa Cali Guudlaawe ayaa maanta furay Kalfadhiga 5aad ee Golaha Wakiilada HirShabeelle. Madaxweynaha ayaa Khudbad uu ka jeediyay Jowhar waxa uu ka sheegay inuu furan yahay Kalfadhiga, Xildhibaanadana looga baahan yahay iney si deg deg ah wax uga qabtaan dhibaatooyinka jira.

Madaxweyne Waare ayaa Baarlamaanka Warbixin ka siiyay dhismoyin iyo Barnaamijyo horumarineed oo dhawaan ka bilaaban doona magaalooyinka Jowhar iyo Beladweyne isagoo u mahadceliyay Baarlamaanka maamulka HirShabeelle maadaama ay si wanaagsan ula shaqeeyeen Xukuumadda.

Waxa uu sheegay in Baarlamaanka laga doonayo iney la xisaabtamaan hey’adda fulinta, sidoo kalane ay ka qeyb qaataan howlaha dhax-dhaxaadinta ee ka bilaabanaya degmooyin katirsan HirShabeelle.