Somali News

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii guddiga A/gudaha iyo amniga ee BF iyo Agaasime Koofi?

Muqdisho-KNN-Guddiga Arrimaha gudaha iyo amniga ee Golaha Shacabka ayaa kulan kula  yeeshay xarunta Villa Hargeysa Agaasimaha hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Col. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).

Ajendaha kulanka ayaa ahaa ka tashiga Sharciga Socdaalka oo horyaala Guddiga.

Agaasime Koofi ayaa guddiga sharaaxaad ka siiyay ahmiyadda uu leeyahay sharciga Socdaalka iyadoo Xubnaha guddiga ay agaasimaha weydiiyeen su,aalo la xarriiro sharciga.

Ku-simaha Guddoomiyaha  ahna guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga Xildhibaan Maxamed  Cabdulle faarax  (Geesey) ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha hey,adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Col.Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) sharaxaada uu guddiga ka siiyay sharciga Socdaalka.