Somali News

Sawirro:-Nicholas Heysom oo ka hadlay Madaafiic lagu garaacay Xerada Xalane.

Muqdisho-KNN-War qoraal ah oo ka soo baxay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Heysom ayaa looga hadlay madaafiicda maanta lagu tuuray xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Nicholas Heysom ayaa si kulul u cambaareeyay madaafiicdii maanta lagu weeraray Xerada Xalane.

” Todobo Madfac ayaa lagu soo tuuray xerada Xalane, Labbo ruux oo kamid ah shaqaalaha Qaramada Midoobe ayaa dhaawacyo fudud uu kasoo gaaray iyo ruux kale oo ku suganaa gudaha xirada” sidaasi waxaa yiri Nicholas Heysom.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Heysom ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Al-shabaab ay madaafiicda ku garaaceen xerada Xalane.