Somali News

Sawirro: Qoor Qoor kormeer ku tegay deegaanadii dhawaan lagu dagaalamay

Dhuusamareeb-KNN-Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta safar kormeer ah ku gaaray difaacyada hore ee Ciidanka Qalabka Sida ee ku sugan deegaanka Sinadhaqo iyo Labadulle oo hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha waxaa safarka ku wehliyay wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi, guddoomiyaha caasimadda Dhuusamareeb iyo mas’uuliyiin kale. Madaxweynaha ayaa goob fagaare ah kula hadlay ciidamadii uu ku booqday jiida hore, isagoo ku bogaadiyey dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa u kuur galay xaaladda ciidanka, isagoo warbixin ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa howlgallada lagu baacsanayo kooxda Al-Shabaab oo dhawaan laga saaray deeganadaas.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa khudbad guubaabo iyo dhiirogelin iskugu jirta u jeediyay ciidamada iyo saraakiisha hoggaamineysa ee ku sugan jiida hore, kuwaaas oo maalmihii lasoo dhaafay dagaal la galay Al-Shabaab.