Somali News

Sawirro: Rooble oo Baydhaba kula kulmay odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed

Baydhaba-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa  caawa magaalada Baydhaba kulan kula qaatay odayaasha dhaqanka ee deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa odayaasha dhaqanka uga warramay ujeeddada socdaalkiisa Koonfur Galbeed, isagoo kula dardaarmay inay sii xoojiyaan kaalintooda ku aaddan nabad-geliyada, la dagaallanka Al-Shabaab iyo isku haynta iyo heshiisiinta bulshada.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu tilmaamay in ay muhiim tahay in odayaasha dhaqanka iyo guud ahaan bulshadu ka qeyb qaataan la dagaallanka xagjirka iyo u caqli celinta dhallinyarada la marin habaabiyay eek u jira Al-Shabaab.

Dhankooda, duubabka dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa uga warbixiyey Ra’iisul Wasaaraha xaaladaha guud ee deegaannadan iyo duruufaha u baahan in dowladdu ay wax kala qabato.