Keydka Sawiradda Somali News

Saxafiyiin Qarax loogu xiray gaari ay wateen

Muqdisho-KNN-Wariye Abdikarin Said (Shujaac) oo horay uga tirsanaa Idaacada kulmiye balse hada ka mid ah shaqaalaha Barlamaanka Fedralka Soomaliya iyo Marwaan Mayow Huseein oo ka howlgala Idaacada kulmiye ayaa maanta ka badbaaday qarax loogu xiray gaari ay wateen xili ay maraayeen wadada maka Al mukamara ee Magaalada Muqdisho.

Labada wariye ee manta la qarxiyay ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo fudud oo firir ah halka uu burburay gaarii ay wateen.

Qaraxa ka dib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamada booliska waxaana ay warbaahinta u sheegeen in ay baritaan ku sameeynayan cida ka dambeysay qaraxan lala beegsaday wariyaasha sido kalena ay caafimaad qabaan labada wariye ee qaraxa lala beegsaday.