Somali News

Saxiixa heshiis ay gaareen DF iyo shirkadaha qodista shidaalka oo dib u dhac ku yimid

Warar ay heshay idaacadda Kulmiye ayaa sheegaya in uu dib u dhac ku yimid munaasabad lagu saxiixi lahaa Xirmooyinka ceelasha shidaal kuwaasi oo laga qodayo xeebaha Baraawe iyo Hobyo oo ka kala tirsan maamulada Koofur Galbeed iyo Galmudug.

Munaasabadan oo lagu waday in ay dhacdo caawa ayaa waxaa goobjoog ka noqon lahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed iyadoona uu saxiixii lahaa heshiiska  Wasiirka wasaaradda Batroolka Cabdirashiid Maxamed.

Wararka ayaa intaa ku daraya in xaflada saxiix ay u dhacday maalinta berri, hase ahaatee waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu soo kordhay culeys dhanka habraacyada loo marayo saxiixa heshiiskaas  iyo qaabka loo waafajanayo arrimaha deyn cafinta ee shuruuda Hey’adda IMF, waxaana arrintaas loo saaray Guddi uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle.

Shirkadaha loo saxiixayo heshiiska xirmooyinka (BLOCKS) shidaal qodista ayaa lagu kala magacaabaa Liberty Petroleum iyo Coastline Exploration oo horay loo oran jiray SOMA OIl & GAS.