Somali News

Sh. Shaakir oo la kulmay saaraakiil Ameerikaan ah

Dhuusamareeb-KNN-Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxa uu kulan kula yeeshay garoonka diyaaraha  ee magaaladda Dhuusomareeb saraakiil ka socday wasaaradda Gashaandhigga Mareykanka gaar ahaan qeybta howlgaladda ee Africa ee (Africom) oo la dagaalanka Argagaxisada.

Saraakiishan Ameerikaan ah ayaa la sheegay in ay uyimaadeen sidii Dhuusamareeb ay saldhig uga sameysan lahaaayeen ciidamada Mareykanka ee Afrika ka howgala.

Taliska Mareykanka ee Africom ayaa Soomaaliya ka taageera howlgallada sida gaarka ah loo fuliyo, sida duqeymaha diyaaradaha iswada ay dalka ka fuliyaan iyo tasiilaad kale oo wardoonka uu kamid yahay.