Somali News

Shabaab oo sheegtay masuuliyada weerarkii galabta ka dhacay Nairobi.

Muqdisho-KNN-Dagaalamayaasha Al-Shabab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkii galabta ay ku qaadeen hoteel ku yaalo magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Afhayeenka al-Shabaab Cabdi Casiis Abu Muscab ayaa wakaalada wararka ee Rueters u sheegay in ay iyaga qaadeen weerarka walina uu socdo wixii faahfaahin ahna ay gadaal ka bixin doonaan.

Dhanka kale booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in weerarka uu jiro laakin waxa ay ka gaabsadeen in ay sheegaan dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay weerarka iyagoona sheegay in baaritaan kadib ay shaacin doonaan khasaaraha.