Somali News

Shariif Sheekh “Farmaajo kursigu waa macaan yahay waana soo aragnay ee nagula tartan”

Muqdisho-KNN-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta hadal ka jeediyey shirka beelaha Mudullood oo ka furmay Muqdisho ayaa ugu horyn beelaha Mudullood ugu baaqay inay ka garaabaan dhibaatooyinka ay ka tabanayaan beelaha kale ee Soomaaliyeed.

Kheekh Shariif ayaa yiri,“Muddulood waa inay ka garaabaan dhibaatada kale ee walaalahood ka tabanayaan. Waa inay shir kale isugu keenaan oo laga garaabo dhibaato kasto oo ku dhacday qof walbo oo Soomaaliyeed. Mudullood xoogooda ugu badan waxay geliyeen dowladda dhexe, ciidamada ugu badan ee militeriga Soomaaliya waa mudullood, ma ahan in lagu dhibaateeyo qabiilkood dartood ciidan ku soo shaqeeyay duruufo adag.”

Sidoo kale Shariif Sheekh ayaa hadal jeedintiisii ku soo hadal qaaday arrimaha doorashiooyinka dalka, waxuuna sheegay in muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo ay waqti siiyeen oo maalintii la doortay isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh ay garab istaageen, iyadoo aysan cidna ka dalban.

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale sheegay inay lama huraan tahay in dalka ay doorasho ka dhacdo waqtigeeda, waxuuna la yaab ku yilmaamay nooca doorasho ee dowladdu ay wado, waa qof iyo cod, taas oo uu tilmaamay in diyaarinteedu ay sanado badan qaadaneyso.

“Salaad Cali Jeelle wuxuu yiri doorasho qof iyo cod ayaan rabnaa, balse  aniga waxaan leeyahay doorashada la qabanayo xitaa Farmaajo ma oga nooca ay tahay, mararka qaar waxaan isdhahaa Shariifow dabaal miyaa tahay horta? Sidee lagaaga dhaadhacsiin karaa doorasho qof iyo cad ah ayaa dhaceeysa bisha Agoosto ka hor?” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Isaga oo sii hadalkayey ayuu yiri, “Siyaasadda waa la isku dhiibaa waana qori tuur, hadaan aniga iyo Siyaad Barre iyo Cabdi Qaasim sii heysan laheyn kursiga ka warama Xasan Sheekh iyo Farmaajo sacadaan madaxweyne ma noqon lahaayeen?”

Ugu dambeyntii Sheekh Shariif oo si gaar ah ula hadlay madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in kursigu macaan-yahay oo ay soo arkeen, balse ay ka tageen, isagoo hadana ka dalbaday in uu kula tartamo ee uusan isku dhajin.