Somali News

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ku geeriyooday Muqdisho

Muqdisho-KNN-Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ahaa culumada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa KNN u xaqiijiyey geerida Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Wararku waxay sheegayaan in Sheekhu u geeriyooday cudurka Coronavirus oo dhawaan soo ritay.

Waxuu ku geeriyooday isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho oo ah xarunta ugu muhiimsan ee hadda lagu dabiibo dadka uu soo rito COVID-19.