Somali News

Sheekh Shariif oo si kulul uga hadlay Tacadiyada ka dhan ah Carruurta iyo gabdhaha ee dalka ku soo badanaya

Muqdisho-KNN-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya  ahna gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta waxa uu ka  hadlay falal ay ka mid yihiin xatooyada loo gaysto Carruurta yar yar iyo tacadiyada ka dhan ah gabdhaha Soomaaliyeed.

Sheekh Shariif ayaa ku tilmaamay in ay tahay wax aan loo dulqaadan karin falal in Carruurta Soomaaliyeed aan lagu aamini karin in ay bannaanka uga soo baxaan guryaha cabsi laga qabo in la xado awgeed.

Waxa uu sheegay in dhinac kale ay taasi wehliso casbida dhinaca ammaanka ah ee la qabo dalka in ay ku soo biirtay falal ugubkan naadirka ku ah dalka,ayna tahay in dawladda Soomaaliya ay masuuliyad adag iska saarto sidii ay wax uga qaban lahayd.

Hay’addaha ammaanka oo uu xil ka saarnaa samata bixinta ummadda Soomaaliyeed ayuu sheegay Sheekh Shariif in ay ka gaabiyeen hawlihii loo igmaday.

Qaybo badan oo kamid ah dalka ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ku soo badanayay kooxo lagu sheegay in yihiin shabakaddo , isla markaasina la sheegay in ay ka ganacsadaan xubnaha muhiimka ah ee jidhka carruurta yar yar iyo gabdhaha.