Somali News

Shiikh Aadan Madoobe oo eedeyn u jeediyay DFS, kana hadlay dhibaatada ka jirta Bakool

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa si kulul uga hadlay go’doonka ay Al-shabaab ku hayaan shacabka ku nool gobolka Bakool, isagoona sheegay in xaalad bini’aadannimo tii ugu xumeyd ay ka jirto gobolkaasi.


Shiikh Aadan Madoobe ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyey in ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Bakool aysan waxba u qaban, islamarkaana xitaa aysan ciidanka helin hubka ay kula dagaalami lahaayeen Al-shabaab, isagoona sheegay in hub loo geeya ciidanka ku sugan gobolka Bakool ay ugu dambeysay xiligii uu xilka hayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.


Guddoomiyaha oo sii hadlayay ayaa waxaa uu sheegay inay muhiim tahay dadka ku nool gobolka Bakool lala gaaro gar gaar Bani’aadannimo, isagoona shaaca ka qaaday in dadka ku sugan gobolka Bakool aysan haysan Hooy wanaagsan, Cunto ku filan, Caafimaad iyo waxyaabo kale, waxaa uuna dowladda Federaalka, Maamulka Koofur Galbeed iyo Hay’adaha gar gaarka uu ka dalbaday in gar gaar deg deg ah ay la gaaraan shacabka ku dhibaateysan gobolka Bakool.

Al-Shabaab ayaa go’doomiyay degmooyinka ka tirsan gobolka Bakool, mana jiraan gaadiid u kala gudbaya degmooyinka gobolkaasi.