Somali News

Shiinaha oo cuna-qabateyn ku soo rogay siyaasiyiin caan ah oo ka tirsan xisbiga Trump

Shiinaha ayaa sheegay in cunaqabateyn uu kusoo rogayo 11 qof oo u dhashay Mareykanka oo ay kamid yihiin sanataro iyo saraakiil caan ah.

Cunaqabateyntan ayaa imaaneysa kaddib markii uu Mareykanka cunaqabateyn kusoo rogay 11 sarkaal oo Shiinees ah iyo dad kale oo u dhaw dhinaca Hong Kong oo uu sheegay inay caqabad ku yihiin xoriyadda dhanka siyaasadda.

Saraakiisha uu bartilmaameedsanayo Shiinaha waxaa kamid ah sanatarro ka tirsan xisbiga Jamhuuriga sida Ted Cruz, Marco Rubio iyo Kenneth Roth oo ah agaasimaha fullinta ha’yada samafal oo qaabilsan xuquuqda aadanaha.

Sidoo kale liiska waxaa ku jiraa senetarrada kala ah Tom Cotton, Josh Hawley iyo Pat Toomey iyo Chris Smith-dhammaantood waxay ka tirsan yihiin xisbiga jamhuuriga iyo shakhsiyaad kale oo ka howlgala ha’yado samafal iyo ururo u doodo xuquuqul insaanka.

“Shiinaha wuxuu go’aansaday in uu cunaqabateyn kusoo rogo kuwa sida khaldan u faragelinayo arrimaha la xiriira xaaladda Hong Kong” ayuu yiri Zhao Lijian oo ah afahayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha.

Balse faahfaahin kale kama uusan bixin waxa ay ku saabsan tahay cunaqabateynta.

Shiinaha ayaa bishii lasoo dhafaay shaaciyay in cunaqabateyn uu kusoo rogay sanatar Rubio, Cruz iyo saraakiil kale kaddib markii ay si weyn u dhaleeceeyeen sida xukuumadda Beijing ay ula tacaashay xaaladda muslimiinta laga tiro badan yahay ee Uighur ee ku sugan gobolka Xinjiang.

Xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka ayaa bilihii lasoo dhaafay sii xumaanayay, Mareykanka wuxuu dhaleeceeyay dhaqdhaqaaqyada uu Shiinaha ka wado Hong Kong, dhibaatada uu ku hayo dadyowga ka tirsan muslimiinta laga tiro badan yahay ee Uighur iyo sida uu u maareeyay cudurka safmarka ee Corona.

BBC