Somali News

Shiinaha oo war ka soo saaray xaaladda siyaasadda Soomaaliya

Dowladda Shiinaha oo kamid ah wadamada taageera Soomaaliya ayaa soo dhoweysey wada-hadallada u dhaxeeya dowladda federaalka, qaar kamid ah dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir ee ka socda Muqdisho.

War qoraal ah oo lagu daabacay bogga Twiter ka ee safaaradda Shiinaha ayaa waxaa lagu yiri:

“Soomaaliya waa waddan hodan ah, maadaama ay walaal daacad ah tahayna Shiinuhu wuxuu sii wadayaa taageerada horumarka iyo nabadda Soomaaliya,

Dhinaca kale Shiinuhu wuxuu soo dhoweynayaa wada-hadallada wax ku oolka ah ee ka dhaxeeya dowladda Soomaalida iyo dhinacyada kale ee doorashada”.