Somali News

Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Godinlabe

Cadaado-KNN-Shil gaari oo sababay Khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay duleedka degaanka Godin-labe ee Gobalka Galgaduud.

Inta la xaqiihiyay hal qof oo katirsan dadkii saarnaa gaariga ayaa ku dhintay tiro kalane waa ay ku dhaawacmeen waxaana dadka dhaawacmay ku jira wadihii gaariga shilka galay.

Gaariga Shilka galay ayaa dheyno waxaana ku rarnaa qudaar. Dadka dhaawacyada qaba ayaa la jiifiyay Isbitaal ku yaala Godin labe sida ay sheegay mas’uuliyiinta degaanka.