Somali News

Shil khasaare badan dhaliyay oo ka dhacay duleedka magaalada Berbera

Hargeysa-KNN-Shil culus oo geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa Goor dhaw waxa uu ka dhacay inta u dhaxaysa deegaanada Lafaruug iyo Xamaas oo dhaca  duleedka magaalada Berbera ee gobolka Owdal.

Shilka ayaa dhacay ka dib markii ay isku dheceen labo Gaari oo kala ah Bas rakaab ah iyo Gaari weyn oo nuuca xamuulka qaada ah, kuwaasi oo ku socdaalayay wadada xariirisa magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa.

Inka badan Sedeed ruux ayaa la sheegay in ay ku dhimatay shilkaasi halka uu dhaawacu kor u dhaafayo 10 ruux , masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Soomaaliland ayaa goobta uu shilku ka dhacay gaaray iyagoona  halkaasi ka daabulay meydadka iyo dhaawacyada dadkii shilkaas ku wax yeeloobay.
 
Sidaani oo kale ayaa shalay duleedka magaalada Hargeysa waxaa ka dhacay shil khasaare badan dhaliyay, kadib markii ay isku dhaceen labo Gaari.

Degaanada Soomaaliland ayaa waxaa ku badan shilal gawaarida u kala gooshaya, waxaana loo sababeynayaa wadooyinka oo aad u liita.