Somali News

Shir Garowe ku dhex maray Karaash iyo labo guddi oo muhiim u ah Puntland

Garowe-KNN-Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan muhiim ah la qaatay guddiga qaban-qaabada shirka maalgashiga iyo guddiga aminga Puntland.

Kulanka uu Madaxweyne ku-xigeenka Puntland la qaatay guddiga maalgashiga iyo guddiga aminga ayaa markii uu soo idlaaday waxaa ka warbixiyey Wasiirrada ganacsiga iyo maalgashiga Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi.

“Maanta waxaa noo qabsoomay shir aad u muhiim ah waxaa kasoo qayb galay guddiga qaban-qaabada shirka maalgashiga iyo guddiga aminga, shirkaas waxaa shir guddoominayey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash, shirka waxaa laga hadlay xoojinta amniga mudada uu shirku socdo iyo wixii ka dambeeyaba” ayuu yiri wasiirku.

Isagoo sii hadlayay wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga Puntland Cabdullaahi Cabdi ayaa waxa uu yiri, “Guddigu waxa uu ka warbixiyey diyaar garawga meesha uu marayo, waxaa laga hadlay sidii amniga loo xoojin lahaa, waxaa laga hadlay sidii dadka martida ah loosoo dhoweyn lahaa, waxaana la sameeyey Guddiyo si gaar ah u wada-shaqeeya”.