Somali News

Shir Garowe uga socday golaha hormarinta qaranka oo war murtiyeed laga soo saaray

Garowe-KNN-Shirkii labaad ee sanadkaan  ay yeeshaan golaha hormarinta qaranka oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa la soo gaba gabeeyay.

Shirkaas ayaa waxaa ka soo qeybgalay  Wasiirada wasaaradaha Qorsheynta heer Federaal iyo heer mmamul goboleed, waxaana goor dhaw laga soo saaray war murtiyeed.

Wasiirka qorsheynta maamulka Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaandhi ayaa warbaahinta u akhriyay war-saxaafadeedkii laga soo saaray shirkaas lagu soo gaba gabeeyay Garowe, waxaana markii uu wasiirku akhriyay qodobada kadib su’aallo laga weydiiyay Wasiirka Qorsheynta iyo maalgashiga Soomaaliya  Jamaal Maxamed Xassan.

Halkaan ka dhageyso Qodobadii ka soo baxay Shirka:-