Keydka Sawiradda

Shir weyne looga hadlayo Ammaanka oo Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho”Sawiro”

Muqdisho–KNN– Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xaruntii lagu doortay ee Afisyooni ee Xaruntii Ciidamadda Cirka ka furay Shir weyne looga hadlayo Ammaanka Soomaaliya,waxaana ka qeyb galay Madax ka tirsan Dowladda Federaalka ,Madaxweyneyaasha Maamul Gobolleedyada,Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida iyo Xubno ka socda Beesha Caalamka.

Shirkaan ayaa ah mid diiradda lagu saarayo wixii ka qabsoomay Shirkii Magaalada London lagu qabtay Bishii May ee Sanadkaan,waxaana si gaar ah loogu lafo guri doonaa Qodobka la xiriira Ammaanka iyo wixii ka qabsoomay Shirkii London ka dib.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Gobolleedyada ayaa Qudbado dhinacyo badan taabanaya ka jeediyay Shirka,waxaana la filayaa inuu socdo Maanta illaa Berri.