Somali News

Shirka dib uheshiisiinta KG oo War-murtiyeed laga soo saaray

Shirkii Dib uheshiisiinta Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed somalia ayaa lasoo gunaanaday kadib maalmo shirka uu socday, heshiis buuxa ayey gaareen dhinacyada ku shirsanaa Magaalada Baydhabo.

Dhinacyada ayaa isku raacay in la aqbalo muda kordhinta halka sano ah ee lagu kordhiyey mudada xilheynta madaxweynaha Konfur Galbeed iyadoo isku raacay in doorashada madaxweynaha lagu qabto sanad gudihiis.

Waxaana Doorashada guddoonka golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo doorashada madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya la go’aamiyey in la qabto bisha Janaayo ee sanadka nasoo aadan ee 2024.

Odayaasha dhaqanka beelaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa la go’aamiyey iney soo xulaan xubnaha Golaha Wakiiladda ee Baarlamaanka KGS  inta udhaxeysa Bilaha November iyo  December ee sanadkaa 2023.

Warmurtiyeedka Laga soo saaray shirka ayaana ahaa mid ka kooban qodoba dhow ar warbaahinta ayaana lala wadaagay.