Keydka Sawiradda

Shirkad lagu Magacaabo Som Real Estate oo Muqdisho laga furay”Sawiro”

Muqdisho–KNN– Munaasabad lagu Furayay Shirkadda Som Real EState oo qabata Howlo ay ka mid yihiin iibinta Guryaha,Dhulalka,Gaadiidka ayaa ka dhacday Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Soomaaliya.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ganacsato,Aqoonyahano iyo sidoo kale Madaxda Shirkada Dalka ka jira Qaarkood.

Maamulaha Shirkadda  Som Real EState Maxamed Cali Gureey oo ka hadlay Munaasabadda Furitaanka Shirkadda ayaa sheegay in Aas-aaska Shirkadda ay keentay Beehi Dalka ka jirta Awgeed islamarkaana ay Adeegyada ay qabanayaan si hufan ay Bulshada ugu qaban doonaan.