Keydka Sawiradda

Shirkadda Bancroft”Dadkii lagu dilay Bariire lug kuma lihin”

Shirkadda Bancroft ayaa waxaa ay Beenisay in ay ku lugleedahay Weerarkii Duleedka Bariire ee Gobolka Shabelah Hoose ka dhacay ee 1o Ruux lagu dilay.

 

War ka soo baxay Xafiiska Bancroft ee Soomaaliya ayaa lagu Yiri “ waxaaan Aqrinay Maqaalo iyo Warar ku sababsan Howlagaalo Military oo ay ka dhalatay Geeridda dad shacab ah, oo ay caruur ku jiraan aad ayaana uga Naxnay nafta luntay”

 

Shirkadda Bancroft ayaa sidoo kale sheegtay in aysan ku luglahayn Howlagalkaasi oo ay Been Abuur yihiin Wararka Sheegaya in ay ka Qeeyb qaateen  Howlagalkaasi.

 

Shirkadda waxaa ay shaaca Ka qaaday in ay leedahay Saqaale a AMISOM iyo Danab kala shaqeeya Howlgaladooda. “ Majirin Ciidamao AMISOM ah iyo Shaqaale Bancroft ka tirsan oo Howlagalka kaqeeyb Qaatay” ayaa sidoo kale lagu sheegay Warka ay Soosaartay Shirkadda Latalinta iyo Saanadda ka saacidda AMISOM iyo Danab ee Bancroft.

 

Shirkadda Warka ay soosaartay waxaa ay ku sifeeysay Nuuc ay yihiin Shaqooyinka ay ka Qabato Soomaaliya.

Waxaa ay sheegtay in aysan kaqeeyb qaadan dagaaladda, hase ahaatee ay Tababarka iyo Talooyinka ka Saaciiddo Ciidamadda Military-ga Soomaaliyeed iyo Booliiskaba, Gaar ahaan ilaaalinta Shacabka,  soosaarista Bombooyinka iyo kaalamadda Dawooyinka.

 

Warka Qoraalka ah ee ay Soosaartay Bancroft waxaa ay sidoo kale kuxustay in shirkaddu ay Muddo Sagaal sano dalka ka shaqeeyneeysay, oo ay doowladda kala shaqeeyneeysay sidii Al-shabaab looga Adkaan lahaan shacabkana loo ilaalinlahaa, Muddaasna aaan lagu edeeyn Wax la xiriira Dil dad aan waxaba Galabsan.

 

Beeninta Bancroft ayaa imanaeeysa kadib markii Shalay Dad rayid ah oo 10 Ruux gaaraya lagu dilay Duleedka deegaanka Bariirre ee Gobolka Shabeelaha Hoose, Qaar kamid ah Eheladda Dadka lalaalay ayaa Bancroft ku eedeeyay in ay ka dambeeysay dilka Dadka TRayid ah loo geeystay.