Somali News

Shirkadda maamusha dekadaha ee Dpworld oo ka wareegsaneysa Berbera.

Muqdisho-KNN-Shirkadda maamusha dekadaha lagana leeyahay Imaaraatka carabta ee Dp world ayaa qorsheyeysa in ay ka guurto  dekadda Berbere ee Soomaaliland oo heshiis sadex geesood ah ay ku joogto sida ay inoo sheegeen ilo xog ogaal ah.

Shirkadda DP world ayaa sanadkii hore waxaa dalka sharci looga mamnuucay soo saaray Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, balse wali meelo dalka ka mid ah ayay ka howlgashaa sida dekadaha Boosaaso iyo Berbera.

Qorshaha ay shirkadda uga guureyso Bebera ayaa aan ka soo xiganay ilo ka agdhaw dhinacyada uu Heshiiska dekadahaasi u dhexeeyo ee Soomaaliland , Itoobiya iyo Shirkadda Dp world.

Wararka ayaa sheegaya inuu socdo qorshe uu maamulka isbedelka wada ee Itoobiya uu doonayo in dib u eegis  lagu sameeyo heshiiska ay qeybta ka yihiin ee Berbera lagana hadlay madaxda shirkadda.

Kulamo u dhaxeya dhinacyada qaar ee heshiiska qeybta ah ayaa looga hadlayo  isbedelka, waxaana qorshaha qeyb ka noqoneysa in Itoobiya iyo Dp world ay iskaga baxaan heshiiska Berbera ee ay Soomaaliland  kula jiraan.

Taa bedelkeed heshiiska Berbera loo wareejiyo dekada Asaba ee Eritrea.