Somali News

Shirkii Garowe oo fashilmay iyo Xaaf oo u anba-baxay Nairobi

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Galmudug Axmad Du,caale Geelle Xaaf ayaa goor dhoweyd ka duulay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe, isgoo sheegay in uu fashilmay shirkii uu kaga qeyb galay magaalada Garowe waxaana la sheegay in uu ku jeedo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Lixdii maamil ee lasoo dhaafay shir magaalada Garowe uga socday madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa u eg mid natiijo la,aan ku idlaaday maadaama ay iskaga baxeen Madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isna saakay ka dagay magaalada Kismaayo, halkaas oo uu ka taagan yahay Khilaaf u dhaxeeya isga iyo musharax madaxtinimada Jubbaland Cabdinaasir Seeraar.

Shirkii magaalada Garowe ayaa waxaa iskugu haray Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Kheyre, guddoomiye Yariisow iyo madaxweynayaasha maamulada Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle, waxaana lakala ogeyn in uu sii soca doono iyo in lagu kala tagi doono maadaama ay iskaga baxeen Xaaf iyo Axmed Madoobe.

Warar hoose oo aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in madaxda maamul gobleedyada dalka ay isugu tegi doonaan magaalada Nairobi, halkaas oo ay shir kula yeelan doonaan xubno ka socdo Beesha caalamka.