Somali News

Shirkii Hobyo oo Furmay

Gaalkacyo-KNN-Waxaa magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug Ka furmay Shir ay halkaas ku yeelanayaan waxgaradka beel kamid ah beelaha dega deegaanada maamulka Galmudug.

Shirka oo horay loo iclaamiyey in 15-ka bisha oo ku beegneed maanta uu ka furmo magaalada Hobyo ayaa furmay waqtigii loo asteeyey, waxaana saacadihii lasoo dhaafay Hobyo ka dagay diyaarado siday Waxgarad, Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqameed shirkaas ka qeyb galaya.

Amaanka magaalo xeebeedka Hobyo ayaa aad loo adkeeyey, waxaana markii uu soo dhamaado shirkaas oo maalmo ka soca doona halkaas lagu  wadaa in qodobo laga soo saaro markii uu soo idlaado.