Somali News

Shirkii madaxda ee Garowe oo hakad ku jira iyo Madaxweyne Xaaf oo iskaga baxay

Garowe-KNN-Waxaa faah faahin xiligan laga helayaa shirka mudada dheer qaatay ee madaxda qaranka uga socda maalintii Afaraad magaalada Garowe ee Puntland.

Shirka ayaa ah mid xiligaan hakad ku jira oo aan la isku hor fariisan wixi shalay gelinki danbe ka danbeeyay.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa la sheegay in uu shirka iskaga baxay iyadoo ka bixitaankiisa shirka lagu sheegay sababta ugu weyn ee uu kulanka madaxdu hakad ugu jiro.

waxaan Warkaan ka soo xiganaynaa xubno ka mid ah wafdiga Galmudug ee Garowe ku sugan kuwaas oo naga dalbaday in codkooda iyo magacaba aanaa warbahainta u adeegsan.

Khilaafka ayaa waxaa keenay kadib markii dastuurka maamulka Galmudug la hor dhigay madaxda Federaalka kaasi oo dhigaya in Madaxweyne Xaaf mudo xileedkiisa ay uga harsantahay mudo Seddax sano ah.

Hayeeshee madaxda Federaalka sida Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ka soo horjeestay iyagoo Madaxweyne Xaaf u ogolaaday in uu xilka sii hayo mudo hal sano ah, taasina ay sababtay in Madaxweyne Xaaf uu gabi ahaanba Shirka iskaga baxo.

Wararkii ugu danbeeyay waxa ay sheegayaan in madaxda Federaalku ay ku adkeysanayaa in Madaxweyne Xaaf uu xilka sii hayo mudo hal sano ah, taasi oo ka dhigan in sanad ka dib ay Galmudug ka dhaceyso doorasho.

Dhankooda Wafdiga Galmudug ayaana ku doodaya in aysan taasi sharci aheyn islamarkaana ay doonayaan in loo hugaan samo dastuurka ay ku hishiiyeen umada reer Galmudug.