Somali News

Shuruudaha Musharixiinta Puntland oo la soo saaray.

Garoowe-KNN-Guddiga Doorasha ee maamulka Puntland ayaa soo saaray shuuraha laga doonayo shaqsiyaadka u tartamaya xilka Madaxweynaha iyo ku xigeenka maamulkaasi.

Doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland ayaa la filayaa in ay dhacdo 8 bishan January iyadoona sida guddiga doorashada ay sheegeen khudbad jeedinta musharixiinta la bilaabayo ka hor maalinta doorashada taariikhduna ay ku astaysan tahay 7 bisha Janaayo 2019.