Somali News

Shuute”waa in cadaaladda la horkeenaa maleeshiyaadkii shacabka ku dilay Galgaduud”

Guddoomiyaha maxkamada Darajada Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute oo hadal ka jeediyay shir sannadeedka Garsoorka dalka ayaa dowlad goboleedka Galmudug ka dalbaday soo qabashada raggii ka dambeeyay dilal siyaabo kala duwan uga dhacay gobolka Galguduud, kuwaasi oo loogeystay saraakiil ciidan iyo shacab.

Guddoomiye Shuute ayaa saraakiisha ciidamada ee ku sugan deegaanada Galmudug ku amray in ay soo qabtaan gacan ku maleeshiyaadkii ka dambeeyay weeraradaasi si ay caddaalada u wajahaan.

“Maxkamad ayaan geyn doonaan deegaanada Galmudug, maxkamadaasna shaqo la’aan ma noqon doonto, haddii la keeno waayo dadkii falalkaasi geystay, saraakiisha howshooda gudan waayay ayaa la horgeynayaa” ayuu yiri guddoomiye Shuute.

Guddoomiye Shuute ayaa sidoo kale sheegay in ay diyaariyeen ciidamo gaar ah oo ka kooban miletiri iyo Boolis kuwaasi oo maxkamadda ka caawiya soo qabashada ciidamada iyo maleeshiyaadka geysta dambiyada.