Somali News

Sidee looga ciiday guud ahaan dalka?

Muqdisho-KNN-Maalintii koowaad ee munaasabadda Ciidul Adxaa ayaa maanta si wadajir ah waxaa looga dabaal dagay, caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan gobolada dalka.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali khayre ayaa boqolaal qof oo dadka Muqdisho ah kula tukaday masjidka Isbaheysiga Islaamka. Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa isna waxa uu kula tukaday cutubyo ka tirsan Xoogga dalka xarunta wasaaradda difaaca ee magaalada Muqdisho.

Guud ahaan Muqdisho, iyo gobollada dalka waxaa ka jirta xaalad deganaan ah, madaxda dowlad goboleedyadana waxa ay la tukadeen bulshada ay maamulaan.