Somali News

Soomaaliya: Dad badan oo 24 saac gudahood COVID-19 u geeriyooday

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 125 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 11 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 50 ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Somaliland (62) Puntland (32) gobalka Banaadir (20) Jubbaland (9) iyo Galmudug (2) qof, 71 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 54-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 11,908 waxaa bogsootay 5,017 Ruux. guud ahaan 568 ruux oo kale ayaa u geeriyootay.