Somali News

Somalia Xatooyo ka geysatay Jaziirada Malta oo maanta la maxkamadeynayo.

Booliska Jaziirada Malta ayaa sheegay bayaan ay soo saareen in gacanta lagu haayo 3 qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo bishii tagtay fal xatooyo ah ka geestay Xaafada San Gorg.

Booliska waxa ay tilmaameen 21 bishii October qof kamid ah dadkii dhaca loo geeystay kusoo wargeliyay Booliska St. Julian inuu la kulmay jirdil iyo xatooyo.

Baaritaanada horudhaca ahaa ayaa muujiyay in goobta dhaca uu ka dhacay qof joogay ay u suurta gashay inuu qabto mid kamid ah ragii 3da ahaa ee Somalida ah balse kuwii kale ay goobta isaga baxsadeen.

Baaritaano dheeri ah ay Booliska sameeyeen ayaa ugu dambeen waxaa gacanta lagu soo dhigay 3daasi qof ee Soomaalida ah kuwaa oo gacanta loo galiyay qeybta la dagaalanka dambiyada waa weyn.

Ragaan sedexda ah ayaa da’doodi u dhaxeysa 26 ilaa 24 sano jir waxaana la filayaa in maanta oo Talaada ah ay maxkamad kasoo muuqdaan iyadoona uu sii socon doono Baaritaanka.