Somali News

Somaliland oo Itoobiya u saxiixday heshiis badeed iyo Saldhig ciidan

Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda madaxbannaanideeda ku dhawaaqday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa magaalada Addis Ababa ku gaaray heshiis.

Muuqaal lasoo dhigay bogga Facebook ee xafiiska afhayeenka madaxtooyada Somaliland ayaa lagu arkaa Madaxweyne Muuse Biixi oo garab fadhiya Raysalwasaaraha Itoobiya wuxuuna sheegay in ay Itoobiya la galeen heshiis Isfahan, kaas oo Somaliland ay badda ka siinayso meel ay degaan ciidanka Itoobiya halka sida uu sheegay Biixi ay Itoobiyana noqonayso “dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada madaxbannaanida Somaliland”.

“Raysalwasaaraha Itoobiya wuxuu naga codsaday inaynu wada galno isfahan ah in ay badda ka helaan meel ay dagaan ciidankoodu” ayuu yiri Muuse Biixi. Sida aanu ku heshiinay ee ku qoran halkan in annaguna aanu u oggolaanno labaatan kilomitir oo badda ah iyaguna markaaba ay na aqoonsadaan, oo ay qaranka Somaliland dawladdii u horaysay ee aqoonsata ay noqon doonaan,” ayuu kusii daray Muuse.

Dhanka kale bayaan uu soo saaray xafiiska Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa lagu xaqiijiyey isfahanka, wallow macluumaad faahfaahsan uusan ku qornayn.