Somali News

Somaliland oo ka hadashay kulanka uu maanta ka baxay Amb. Tarsan

War saxaafadeed ay soo saartay Soomaliland ayee ku sheegtay in ay ka carootay ficillada uu sameeyay danjiraha Soomaaliya u fadhiya dowladda Kenya Ambasadoor Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, kaas oo maanta ka baxay shir uu madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta isugu yeeray danjirayayaasha dowladaha Caalamka ee ku sugan Magaalada Nairobi, kadib markii uu kulankaasi ku arkay Mas’uuliyiin matalayay Somaliland.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay caddeyn u tahay cadownimada iyo nacaybka soo jireenka ah ee Soomaaliya ay u qabto Somaliland iyo dadkeeda.

Sidoo kale, Somaliland ayaa sheegtay in Somaliland ay tahay dalmadaxbannaann oo dimuqraaddi ah oo dooneysa in si nabad ah ay kula noolaato waddamada dariska la ah oo ay ku jirto Soomaaliya.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka oo ku qoran luuqada English-ka.