Somali News

Somaliland oo si kulul uga hadashay eedaymo ay u jeedisay dawladda Soomaaliya

Hargeysa-KNN-Somaliland ayaa ka hadashay eedaha isdaba jooga ah ee kaga imaanaya dawlada Soomaaliya iyo Shiinaha ee ku aadan xiriirka ay samaysteen iyo xafiis ay Tawain ka hirgalisay magaalada Hargeysa.

War qoraal ah oo looga jawaabay eedaha dawladda Soomaaliya ee xiriirka ah la yeelatay Taiwan ayaa lagu sheegay in Somaliland ay madax banaan tahay Isla markaana cidii ay doonto ay xiriir la samaysan karto.

Sidoo kale Somaliland ayaa ku tilmaamtay xiriirka ay la yeelatay Tawain mid iskaashi ah, sida dhinacyada ganacsiga, nabadda, dimuqaraadiyada isla markaana aysan ka hor imaan karin Soomaaliya.

Si la mid ah dawlada Soomaaliya, ayaa ay dawlada Shiinuhu u eedaysay xiriirka Taiwan iyo Somaliland, iyadoo ku tilmaantay in ay tahay wax aan la aqbali karin,oo Taiwan ay tahay maamul hoos taga Shiinaha.