Somali News

Soomaaligii lagu waayay inuu ku lug lahaa weerarkii Westgate oo la afduubtay.

Waxaa lagu soo warramayaa in la la`yahay Liibaan Cabdullaahi oo ka mid ahaa saddex nin oo loo heystay weerarkii dhismaha laga dukaameysto ee Westgate, kaas oo maxkamaddu ay sii deysay labo maalmood kahor markii lagu waayay caddeyn.

Sida laga soo xigtay ha`adda u doodad xuquuqda Muslimiinta Kenya. Liibaan ayaa markii ay maxkamaddu sii deysay wuxuu soo raacay gaari ay la saarnaayeen xubno ka tirsan qoyskiisa, kaddibna waxaa waddada u galay oo gaariga kala degay rag hubeysan.

Qareenka Liibaan Mbugua Mureithi ayaa mid ka mid ah telefeshinnada Kenya u sheegay in raggan ay sheegeen inay ka tirsan yihiin ciidamada ammaanka.

Booliiska ayaa ka gaabsaday arrintaas.

Arbacadii, labo nin oo u dhashay Kenya ayay maxkamaddu ku xukuntay inay gacan ka geysteen weerarkii sanadkii 2013 lagu qaaday dhismaha laga dukaameysto ee Westgate ee magaalada Nairobi, kaas oo ay ku dhinteen 67 qof.

Liibaan Cabdullaahi oo ah Soomaali qaxooti ku ah Kenya lana dhashay mid ka mid ah raggii weeraray Westgate, wuxuu ahaa eedeysanihii saddexaad maxkamadda ayaana sii deysay markii lagu waayay caddeyn.