Somali News

Soomaaliland oo cafis u fidisay maxaabiistii Puntland ay kaga qabsatay dagaaladii Tukaraq

Hargeysa-KNN-Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta waxa uu cafis u fidiyay Maxaabiis ka soo jeeda deegaanada maamulka Puntland, kuwaas oo Soomaaliland ay ku qabsatay dagaaladii labada maamul ku  dhexmaray deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliland Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa warbaahinta u Akhriyay War-Saxaafadeed ku aadan arintaas oo kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliland.

Afhayeenka ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu cafiskaas u fidiyay 14 maxbuus oo uu uga golleeyahay fadliga bishaan barakeysan ee Ramadaan, isgoo sheegay in Soomaaliland ay mar waliba u taagantahay Nabad ka dhex dhalata Puntland iyo Soomaaliland.

Madaxweynaha Soomaaliland mar uu ka hadlayay munaasabadii 18-ka May ayuu ka sheegay in Soomaaliland ay diyaar u tahay siideynta maxaabiista ay Puntland kaga qabsatay dagaaladii ku dhex maray gobolada Sool iyo Sanaag, si lamidana uu Puntland ka rijeynayo in arintaasi ay la qaadato, isagoo xusay in maxaabiistaasi aysan mudneyn in xabsiyada lagu sii hayo.

Halkaan ka Akhriso Magacyada 14-ka maxbuus oo maanta ay cafiska u fidisay Soomaaliland:-

1: Cabdi Naasir Cismaan Cali.

2: Cabdi Nuur Maxamed Cabdulle.

3:  Maxamed Saciid Yuusuf.

4:  Cali Faarax Aadan.

5:  Maxamed Cabdi ceynab.

6:  Cabdi Xaafid Cabdullaahi Xalane.

7:  Xuseen Siciid Warsame.

8:  Cabdi Naasir Maxamed Nuur.

9:  Maxamed Abshir Aadan.

10:  Ibraahim Xasan Salaad.

11:  Axmed Maxamed Axmed.

12:  Siciid Ducaale Cali.

13:  Mahad Nuur Cali.

14:  Faarax Maxamed Cabdi.